Welcome

WORL NEWS

17/04/2010 16:37

 

 

Cusmaan Cilmi Boqore " Waxa xildhibaanada Barlamanka laga doonayaa in ay doortaan gudoon cusub maadaama uu dhamaaday waqtigii gudoonka"
Posted: 4/17/2010 5:41:00 PM
 BULSHO:

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in in barlamaanka Soomaaliya looga baahanyahay in ay doortaan guddoon cusub mar haddii sida uu sheegay uu waqtigii ka dhacay guddoonka.

 

Isagoo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamanka Cusmaan Cilmi Boqorre oo jooga caasimadda Iran ee Tehran ayaa sheegay in guddoomiyaha barlmanka Soomaaliya Aadan Max’edv Nuur Madoobe iyo Xubnaha kale ee guddoonku ay ku guuleysan waayeen xilkii ka saarna socodsiinta hawlaha barlamaanka.

 

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in mudanayaasha Barlamanka fadhiga ugu horeeya ee ay yeelanayaan Maalinta beri ah looga baahanyahay in ay guddoon cusub ku doortaan si shaqada barlamaanku habsami u gelin.

 

Wuxuu ku soo beegmayaa hadalka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka ragaadiyey ee uu la shiri waayey barlamanka oo xubnihiisu u kala qaybsameen qaar ku doodaya in gudoonka barlamaanka waqtigiisii dhamaaday iyo qaar kale oo ku doodaya in heshiiskii Jibuuti lagu gaaray xilka loo wada kordhiyey xukuumadda iyo barlamaanka oo haddii uu mid dhaco kan kalena uu dhacayo.

 

Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa horay u sheegay in fadhiga Barlamanka aanay ka qeyb gali doonin hadii ay isku dayaan in ay hogaamiyaan gudoonka Barlamanka ee haatan xilka haya iyagoo ku doodaya in uu dhamaaday waqtigii gudoonkaasi.

Back

Search site

© 2010 All rights reserved.